Al Shabaab oo afar nin ku gowracay Fagaaraha Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada dhexe

Shabaab oo afar nin ku gowracay Fagaaraha Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Axadii waxay afar nin ku gowraceen Fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe

Raggan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay u basaasayeen Dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Somaliya.

Qaadi u hadlay Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa uu Fagaaraha ka sheegay in raggaasi ay Maxkamadda ka hor qirteen in ay la shaqaynayeen dowladahaasi.

Qaadiga, ayaa sidoo kale sheegay in afartaasi nin ay fududeeyeen dilal qorsheysan oo diyaaradaha Drones-ka Mareykanka, ay ku qaarajiyeen Saraakiil Shabaabka ka tirsanaa, oo lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Sandheere iyo Yuusuf Xaaji.

Wuxuu intaa ku daray in raggaasi ay sidoo kale fududeeyeen duqayn sanadkii hore uu Mareykanku ka fuliyay xero ciidan, oo maleeshiyada Shabaabku ku leeyihiin Gobolka Hiiraan.

Ragga la gowracay oo dhalinyaro u badan, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/laahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire (Gallad) 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.

Leave a comment

Your email address will not be published.

*