Ma la gaaray xilligii macno loo yeeli laha xidigta shanta gees leh ee ku asteysan calanka soomaliyeed?

Astaan walba oo muuqata waxay leedahay macno ka dambeeya oo ay ka tarjumeyso. Tusaale muuqaalka guud ee dunida, sida Dhulka, Cirka, Badda iyo makhluuqa ku dhex uuman ee isugu jira kuwa nool iyo kuwa aan nooleyn, kuwa muuqda iyo kuwa aan muuqanin intaba waxay astaan u yihiin jiritaanka Alle, waxay noo fasirayaan awoodiisa. Si taas la mid ah astaamaha uunka sameysto, aadanahana ugu horeeyo, waxay ka faaloonayaan ujeedo/ujeedooyin ka dambeeya. Waxay ka warbixineysaa macluumaad mug’weyn, iyadaana lagu soo koobay.

Calanka Soomaaliya iyo xidigta shanta gees leh!
Calanka Soomaaliya waxaa la allifay kun sagaal boqol iyo kontamaadkii. Waa midab buluug ah oo dhexda looga xardhay xidig shan gees leh. Shantaa gees waxay ka tarjumayeen himmilooyin ay xilligaas qabeen dadka Soomaaliyeed oo ahaa in maalin maalmaha ka mid ah la mideeyo Koonfurta iyo waqooyiga, dalka hadda loo yaqaano Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Jabuuti, DDSI iyo waqooyi bari Kenya.
Lixdan sano ka dib maxaa ka suurta galay himiladaas (shanta gees), Hadda-se halkee la marayaa??
Xorriyad ka dib, marki ay dhalatay Jamhuuriyaddii la oran jiray Soomaaliya waxay cagaha la gashay marxalado kala gedisan, sida toban sano oo dowlado rayid ah, labaatan sano oo dowlad ciidan ah, iyo soddon sano oo burbur iyo ku meel gaar ah. (waa marka tirada lagu daro afarta sano ee hadda lagu heshiiyay in 4.5 wax lagu qeybsado). Cuskashada Alle iyo rumeynta ah inaan marna laga quusanin naxariistiisa ka sokow ma ogin waxa dhici doona afartaa sano ka dib, sidoo kale ma aragno ifafaalo wanaagsan.

Marka la isku soo xooriyo, xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah waxay tahay in lixdan sano oo ka soo wareegtay xilligii la allifay calanka Soomaaliya, laguna asyeeyay xidigta shanta gees leh, maanta aanay muuqanin in loo dhawaaday midnimo shan soomaaliyeed. Si taas caksigeeda ah waxaan dhihi karnaa waa laga sii fogaaday, waxaana looga dhawaa in la gaaro himmiladaas maalinkii la allifay calankan ku asteysan xidigta shanta geees leh oo ah lixdan sano ka hor, in shan la isu keeno isakaba daaye waxuu shakki xaqiiq u dhow ku jiraa midnimada Jamhuuriyaddii Soomaaliya, hadaanan inta goori goor tahay sida kiniiniga loo liqin nidaamkan hadda lagu heshiiyay ee federaalka ah, si uuna dalka u noqonin tusbax go’ay!

Inkastoo ay jiraan dad weli dhaliilaya nidaamkan, hadana dhanka kale waa nidaam dhaqan galay, soomalida badankeedana waxayba u aragtaa nasiib iyo Alle ku sii hadiiba federaalka lagu heleyo midnimada dalka, sababtoo ah waxaa jira gobollo iyaga federaal iyo federaal la’aanba iyaga goor walba ku taamaya go’itaan, sida Soomaaliland oo kale, halka ay jiraan qaar kale oo federaalka shardi uga dhigaya midnimada dalka Soomaaliya, kuwaas oo ah gobolada dalka intooda badan, Puntlandna hormuud ka tahay.

Mar hadii halkaa la marayo, waxaa iman karta su’aasha ah “maxaa macna ah oo ku jira “shantan gees ee ku asteysan calankeena, mar hadii shakkiba ku jiro is haysiga Jamhuuriyadda?” ileen waxaan horay u soo xusnay in astaan waliba ujeedo iyo macna ka dambeeyo, waxaan macna laheyna loomaba baahna?

 

Maxaa xal ah?
Inkasta oo weli lagu jiro marxalad ku meel gaar ah, oo aan la saadaalin karin goorta laga bixi doono, hadana mab’da ahaan soomaalida waxay qaadatay nidaam federaal ah. , sidaas darteed waxaa mudan in iyada oo laga faaideysanayo fursadaha uu na siinayo nidaamkan cusub, in markan laga fekero sidii macno loogu yeeli lahaa geesahan shanta ah ee calanka ku asteysan, weliba iyada oon meel looga dhicin shucuurta dadka soomaaliyeed oo la qabsaday aragtida geesahan shanta ah. Waxuu xalkaas noqon karaa in tirada geessaha la badiyo, lana waafajiyo tirada dowladaha xibnaha ka ah/ka noqondoona dowladda dhexe.

Waxaa qoray Bishar Haji. Wixii talo iyo tusaalo ah kala xiriir: b.haji114@hotmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*