Shimon Peres oo geeriyooday

Peres waxuu ka mid ahaa aasaasayaashii dowladda Israil waxuuna xilal badan ka soo qabtay dalkaas Israil.
Sannadkii 1934 ayay qoyskooda u guureen dhulka Falastiin oo xilligaa gacanta ugu jiray boqortooyada Ingiriiska. Sannadkii 1947, raisal wasaarihii ugu horeeyay Israel, David Ben Gurion ayaa u magacaabay inuu madax ka noqdo xafiis qaabilsanaa hubeynta maleeshiyaadkii Yuhuudda ee la oran jiray Haggana, kuwaasoo markii dambe noqday aas-aaska ciidamada hadda jira ee Israel.

Leave a comment

Your email address will not be published.

*