Qaramada midoobay oo niyad jab ka muujisay dib u dhaca doorashada Somalia

Qaramada Midoobay ayaa niyad jab ka muujisay dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxase ay sheegtay in ay rajaynayso in doorashadu u dhici doonto si “habsan oo hufan”.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keating, ayaa Salaasadii sheegay in saraakiisha Qaramada Midoobay ay ka walaacsanyihiin dib u dhaca, kaas oo noqonaya kii ugu dambeeyay dib u dhacyo is xigxigay oo ku yimid doorashada.

“Dib u dhacan cusub ee haatan yimi wuxuu dhalinaya cabsi laga qabo arimo dhawr ah. Bal aan laba keliya uun magacaabo: waa in hannaankii la siyaasadeeyay iyo in ay suurto gal tahay in dib u dhacani hadana keeni karo dib u dhacyo kale” ayuu yidhi Keating oo la hadlayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Isniintii ayaa saraakiisha guddida doorashooyinku ka sheegeen magaalada Muqdisho, in ay doonayaan in ay dib ugu riixaan doorashooyinka bisha Noofembar halkii laga filayay inay qabsoomaan Oktoobar sababo nabad galyo iyo caqabado maamul oo jira awgood.

Dowladda ayaa sheegtay in khatarta ay Al-Shabaab dalka ku hayso darteed aanay u suurto galayn in dalka laga qabto doorasho qof waliba codkiisa dhiibto. Waxaana arrintaa lagu bedelayaa in ilaa 14,000 oo qof oo ka wakiil ah beelaha Soomaalidu ay soo xuli doonaan xubnaha baarlamaanka cusub.

Baarlamaanka haatan ee mudada xilkiisu dhammaadka tahay waxa xubnihiisa soo xulay 135 oday dhaqameed oo keli ah

Xigasho:BBC
Jubbalandmedia.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*