DHAGEYSO: Abaaro ba’an oo ka taagan gobalka Gedo iyo Qeylo dhaan ka soo yeertay Jubbaland

Maamulka Jubbaland ayaa qeylo dhaan u dirtay beesha caalamka iyo QM kaddib markii abaaro ba’an laga soo sheegay qeybo ka mid ah goballada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland gaar ahaan gobalka Godo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa BBC-da u sheegay in deeganno u badan gobalka Gedo ay ka jirto abaaro saameyn xooggan ku yeelatay dadka iyo xoolaha ku nool gobalkaas.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaadkan hey’addaha QM u qaabilsan cuntada iyo beeraha FAO ay sheegtay in ka badan 5 Milyan oo qof oo Soomaali ah ay cuno yari wajahayaan.

Halkan Hoose ka dhageyso hadalka wasiir ku xigeenka

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*