Badda Soomaaliyeed  Maanyo geyn iyo Muran ka saaris!

Waxaa maalintii Jimcaha 23 Sebtember 2016 la soo gabagabeeyey kiis dacwadeed ka socday Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalladda ee magaalada Hayg ee dalka Holand halkaasoo lagu dhagaystay dood u dhaxaysay qareenno kala matalayey dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya. Dacwadda  maxkamadda hor taallay waxay ahayd  mid dawladda Soomaaliya ay maxkamdda usoo gudbisay oo ka dhan ah Kiinya oo ay dawladda Soomaaliyeed ku doonayso in maxkamadu kala xadayso oo qeexdo sida loo kala leeyahay soohdimaha badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kiiinya taasoo noqonaysa xukun kama danbays ah oo soo afjara ishaysadka iyo muranka. Sooomaaliya waxay ku doodaysaa oo doonaysaa in Maxkamadu dacwada gasho oo ay xaq ama takhasus u leedahay inay dacwadan gasho Halka ay dawladda Kiinya  ku doodayso in dacwadan aysan maxkamaddu geli karin maadaama  aysan Kiinya taa ogolayn ayna jirto -waa sida ay u aragtee- qaab kale oo muranka lagu xalli karo oo ah in labada dawladood ka wada hadlaan oo ka heshiiyaan iyagu taasoo ay ku doodayso in ay ku  caddayd heshiiskii isfahamka ahaa ee labada dal kala saxiixdeen bishii abriil ee 2009-kii.

Dacwadda oo la dhagaysanayey 4 maalmood dhagaysiguna qaatay 9 saacadood ayaa garsoorayaasha maxkamadda laga sugayaa inay mudo aan bilo ka badnayn ku soo gudbiyaan xukunkooda  oo laba mid uun noqon kara;  inay xaq u leeyihiin in ay dacwadan galaan oo kala xadeeyaan soohdimaha la isku haysto taaso ah sida ay Soomaaliya rabto  iyo inay go’aamiyaan in dacwadan aysan takhasus u lahayn inay galaan.

 

Kiinya doodda ay maxkamadda hor gaysay waxaa ugu muhiimsanayd in dacwadan aan maxkamaddu xaq u lahayn inay gasho maadaama 1- ay jiraan wadooyin kale uu muranka lagu xallin karo taasoo ay labada dal ku heshiiyeen, qaybna ka ahayd heshiiskii is afgardka ee abriil 2009-kii. 2- xattaa haddii uusan heshiiskaa jiri lahayn Kiinya waxay ku doodaysaa in maxkamaddu aysan weli dacwadan xaq u lahayn inay gasho maadaama aysan labada dal heshiiis ku ahayn inay maxkadda isla yimaadaan, ayna jiraan sharciyo kale ee labada dal ku kala bixi karaan  sida ku cad hab (UNCLOS qaybta  Part XV.). oo aan loo baahnayn in maxkadi gasho.

 

Nuxurka dacwada Soomaaliya soo bandhigtay waxa ugu muhiimsanayd in 1- is afgaradka ama MOU-ga la laalay oo baarlamaanku diiday. 2-Haddii uu shaqaynayo xattaa Nuxurka MOU-ga sida ku cad cinwaankiisa iyo daruufihii ku hareeraysnaa iyo sida ay cadaysay Norway oo u qortay heshiiiska labada dal  uu ahaa ujeedkiisu inaysan  labada dal isku diidin dalabkii qalfoof qaaradeedka  (Continental Shelf)ka danbeeya 200nml ee laga rabay  in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay  soo gudbistaan ka hor 13 May 2009 haddii kale lagu weyn kari lahaa  xaqa aan u  leeyahay inuu ka manaafacaadsano 150nml dheeri ah dhumuc ahaan balse eerya ahaan noqonaysa in ku dhaw nus milyan km2. Marnaba heshiiska uma ahayn Soomaaliya, labada dalna kama wada hadlin af iyo qoraalba in heshiisku sidoo kale yahay waddo ay ku soo af jarayaan muranka iyo si loo soohdimayn lahaa badda labada dal u dhexaysa oo dhan oo uuna heshiisku meesha ka saarayo in maxkamad la horgeeyo muranka. 3. Xattaa haddii loo arko heshiisku inuu ka dhigayo in labada dal ka wada hadlaan, waxay Soomaaliya ku doodaysaa in la wada hadlay la iskuna afgaran waayey dawladda Kiinyana ay ka baaqatay kulankiii kama danbaysta ahaa, isla markaana ay biyaha la isku hasyto shirkado heshiis kula gashay inay khayraad uga baaraan! Hadana ay tahay wixii wada hadal lagu xallin waayo in sharciga caalamiga ah  la isla beegsado oo lagu kala baxo sida  ku cad sharciga badaha ee Qaramada Midoobay, Maxkamaduna ay tahay halka kaliya ee labada dal ugu danbaynta ku kala bixi karaan.

 

Yaa Maanyo geeyey Badda Soomaaliya mise jirtaa in Kiinya shaqsiyaad badda ka iibsadeen?

Dadka Soomaaliyeed ee canbaarayna kaalinta Dawladdii Ku Meel Gaarka (DKMG) ku lahayd heshiiskii Is afgaradka  ayaa iskugu jira noocyo badan. Qayb aaminsan ama ku doodda in baddii la gatay iyo qayb aan taa qabin balse u arka in dawladdii berigaa jirtay ay qalad ku ahayd in wax heshiis ah la gasho Kiinya ama arrin badba ka hadasho.
Baddii waa la iibsaday

Dadka ku dooda in baddii la iibsaday ayaa iskugu jira laba kooxood

 

  1. Qaar waa dad aan aqoon fiican u lahayn, si qoto dheer oo hubisiimo lehna aan u dhuuxi karin sida wax u dheceen balse suuqa iyo warbaahinta ka maqlay in baddii Soomaaliyeed shaqsiyaad ka tirsan dawladdii Shiikh Shariif ka gateen dawladda Kiinya  taasoo dadkaa  ku ridday buufis, welwel iyo walaac iyo nacayb ay u qaadeen wasiirkii heshiiska saxiiixay iyo Raisul wasaarihii iyo madaxweynihii xukuumaddii jirtay berigaa. Ayna daacad ka yihiin dal jacaylkooda balse aqoon yari loo geliyay buuufis aan jirin iyo colaad loona wajahay dareenkoodii si aan sax ahayn.
  2. Qayb waa kuwo hubsiimo la’aan ama si ula kac u faafinaya dacaayaddaa iyagoo isu miijinaya wadani inay yhiin, jecelna in rag kale ay si siyaasadaysan suuqa uga saraan  oo ay tani qayb uga tahay fadhi ku dirirkiii iyo is aflagaadayntii dagaallada sokeeeye laga dhaxlay. Kuwani waxay isku darsadeen niyad xumi iyo aqoon yari waana kuwa qaybta ugu  weyn ka ciyaaraya walaahowa, fitnooyin badanna qayb weyn ka ciyaaray.

 

Maxaa ka jira in la iibsaday baddii?
Heshiisyada, wadahadallada iyo dacwadda dhextaal labada  dal ee Soomaaliya iyo Kiinya meelna kamasoo gasho in badda la kala iibsaday heer dawladeed iyo heer shaqsiyadeed. Sidoo kale dawaladda Kiinya ma laha waan iibsaday ee ha la ii daayo ama waa la ii qiray in sidan u arko tahay xad-badeedka noo dhexeeya, mana la hayo dhanka Soomaaliiya cid leh baddii anigaa qaraxsaday. Ama cid leh soohdin badeedku waa sida ay Kiinya u aragto ama leh ha loo tanaasulo oo haloo ogolaado siday rabto ama taako ka mid rabitaankeeda haloo daayo. Intaasoo jirta ayaa hadana dadka qaar weli ku doodayaan wax baa  la kala iiibsaday. Dadka ku doodaya in baddi la iibsaday ma jirto wax xataa u ekaan karo caddayn ama daliil oo ay sheegashadooda ku ayidayaan aan ka ahayn “ waa laguu og ahay oo waxaa jira heshiisyo naga qarsoon  iyo hanti naga qarsoon oo raggii madaxda ahaa ee Soomaaliyeed la siiyey” Maya maya heshiiska ama Is afgaradka Kiinya lala saxiixday baa ku tusaya! Oo sidee ? ma madmadoobe Allaa ku yaqaan baa!

Waxa dhici karta in kuwa runta mooda in wax la iibsaday ay aragtidodaas ka timid markii laga dhaadhiciyey in sidii quraankii ay u caddayd xad badeedka labada dal u dhexeeya hadana markii heshiska la saxiixay muran yimid aan horey  u jirin,  sidaa darteed la dhihi karo taas baa ah iibsasho dadban . Waxase cad in uusan xad badeedku u caddayn ama horey looga hseshiin sida tan berriga oo kale haddii  sida loogu ekeysiiiyey dadwaynaha ay  wax u caddaan  lahaayeen  baa lagu tuhmi kari lahaa madaxdan dayacaad ama danaysi laakiiin taas way ka fog tahay xaqiiqda sida doodad hoose ku cad.

 

Baddii Muran baa la Geliyey.

 

Qayb badan oo qorayaal ama aqoonyahanno leh baa iyana qabta ama ku doodaya in baddii Soomaaliyeed muran la geliyey. Dadkani kuma doodayaan in bad la iibsaday, mana qabaan sida kuwa hore in shaqsiyaad badda dal kale ka iibsan karaan. Dooddda ay soo bandhigeena waxaa kasii shidaal qaata kuwa ku doodaya in baddii la iiibsaday iyaguna kama qabtaan ama yureeyaan sida fooshuxun ee dooddooda loo sii adeegsanayo. Sababta aysan kuwaa uga qaban sida qaldan ee dooddooda usii tarjumayaan waa ujeedo badan ama mid sababo kala duwan yeelan karta.

 

 

Maxaa ka jira in Baddii muran la galiyey yaase geliyey?

 

Dadka dooddan qaba waxay ka dhigayaan inuusan wax muran ah ama is-haysad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kiinya uusan jirin wixii ka horreeyay Abril 2009kii markii DKMG ahayd la saxiixatay heshiiskii afgaradka (MOU) dawladda Kiinya. Waxayna markaa ka dhigayaan in Cabdiraxmaan Cabdishakuuur, Cumar Cabdirashiid iyo Sheekh Shariif ay yihiin kuwa muranka geliyey. Dooddani waa mid luga booca ku taagan oo runta ka fog.

 

Si loogu doodo muran aan horey u jirin baa Badda Soomaaliyeed lagu galiyey heshiiskii MOU-ga ee Kiinya iyo Soomaaliya wada galeen waa in la helo wax sugaya taa. Ilaa haddana kooxdani ma soo bandhigin wax sugaya  taa.

Ma jiro heshiis ay kooxdani soo bandhigayaan ama la hayo oo Xukuumadihii Soomaaliyeed ee ka horreeyey dagaalka sokeeye iyo dawladda Kiinya galeen oo ku saabsan kala xadaynta badda u dhaxaysa labada dal. Sidoo kale ma jiro Xukun hore oo maxkamad caalami ah ka gaartay xad badeedka labada dal u dhexeeya oo la dhihi karo kaas ayuu heshiiiskan is afgaradka ahi wax u dhimay. Kiinya iyo Tansaaniya waxay ka heshiiyeey 1976-dii xad badeedka u dhexaaya iyo diilimaha iyo baraha uu marayo.  Laakiin Soomaaliya  wax heshiis oo caynkaa oo kale ah lama gaarin dalalka xad-badeedka la leh  ee Kiinya iyo Yemen. Haddii ay jiraan heshiisyo caynkan ah  cid og inay jiraan waa inay umadda Soomaalyeed usoo bandhigaan si ay u caddaato in aan loo baahnayn in hadda wadahadal laga galo. Haddii aysan jirinna waa in la joojiyo sheekada ah in DKMG ah muran galisay badda Soomaaliyeed oo xaqiiqda ka fog.

Haddii aan labada dal buuq ku dhex marin xad badeedka u dhexeeya intii ay jireen xukuumadihii ka horeeyey tan KMG ahayd oo  aan warbaahinta laga maqlin ama aysan shaac horey u noqonin taa macnameedu ma  aha in xad badeedku si la isku waafqasan yahay ku diillmaysnaa.

 

Soomaaliya waxay qabtay weligeed weli qabtaa in lagu cabiro xadka labada dal badooda u dhexeeya si equidistance line ah ama  (khad fogaansho isla eg) ku socda. Tani waxay waafaqsan tahay sharciga (The United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS)). Sidoo kale waxaa sidan qabay dawladda ii nya sida ku cad (Kenya’s  1972 Territorial Waters Act iyo 1989 Maritime Zones Act) laakiinse waxa muuqata inay taas dib uga laabtay iminka. Haddii waqtigaa ay sidan ogolayd Kiinya oo ku aragti ahayd Soomaaliya  ay labada dawladeed heshiis ku gaari lahaayeen si ku salaysan (equidistance line ) maanta muran la’aan bay arrintu ahaan lahayd. Inkastoo aragtida labada dal xilligaa isku dhawayd haddana heshiis looma rogin waa fursad tagtay laakiin haddii weli lagu kala baxo sharciga caalamiga ah waxay noqon intaas uun loo laabto.

Sida Xeer ilaaliya guud ee Soomaalia ee maxkamadda gudiga hogaaminayey uu sheegay, muranka waxa keenay markii Kenya 2005-tii ay kaligeed samaysatay xad badeed khadkiisu ku salaysan yahay khad aan equidistance line ahayn oo halkii koonfur-bari ku salaysan bari oo keli ah. Ka dibna waxay Kiinya billawday in mudadadii dagaalka sokeeye dadka  Somaliyeed  ku jireen  ay shirkado badan kula heshiisho inay khayraad uga baaran eeryada ay Soomaaliya leedahay balse imanka ay Kenya ku darsatay maabkeeda cusub. Sidaa darteed mar haddii si ka baxsan sida sharciga caalimga wafaqsan ay Kiinya kaligeed sheegatay kuna hawlgashatay shrikado ajnabi ah taas ayaa xiisadda keentay Isafgardkuna wuu ka danbeeyey tallaabadaa hore mana ah si afgaradku mid  qiraya rabitaanka Kenya ee cusub ee ah in wax lagu saleeyo si khad barbaryaal  ah oo bari uu khadku u soconayho halkii uuu koonfur bari aadi lahaa.

 

Dawladda Soomaaliya maxaa la qumanaa?

 

Bishii May 2009kii  waxaa jiray deadline ama waqtiga kama danbaysta ah ee ay tahay ina dawlado badan oo ay ku jirto Soomalaiya soo gudbistaan qolfoof qaaradeedka a ka danbeeya 200nml oo ilaa 350nml la gaarsiinayo. Dawladdii aan soo gudbisanna waxay ku weyn doontaa qaybtaa dheeriga ah ee la wada dalbanayey taasoo lagu wareejin lahaa hay’ad caalami ah.

Dawladda Soomaliya iyo dawlado badan oo Afrikaan ah waxa laga kaalmeynayey siday u gudbisan lahaayeen dalabkooda  iyo inay raaciyaan dalabkoooda heshiis ay la gaareen dawladaha badda ay xadka la leeyihiin kaasoo ah ama heshiis buuxa ama mid isfaham ah oo nuxurkiisu yahay inaysan diidmo dalabkooda isdul dhigayn oo haddii ay jirto  isla ogolaansho la’aanta khadka dhex mara ay tahay arrin si kale loo xallin doono balse aysan taa caqab ku noqon dalabka dal walba ku doonayo 150nml dheeri ah oo qalfoof qaaradeed ah.

 

Haddii ay dawladdu  faraha ka qaadi lahayd dalabka 150nml ah ee waqtigiisu dhacayay iyo heshiiska MOU ee loo  baahnaa in la raaciyo waxay ahaan lahayd dayacaad weyn oo ay  eed  weyn ku mudan  lahaayeen taariikh ahaan balse dad badan aysan tabi lahayn in wax muhiim ah la qaban waayey maadama intii ka horreysay Abril 2009 uusan jirin buuq ka taagnaa sheegashada Kiinya ee badda iyo baaritaanka ay shirkado uga wadaan halkaasi! Halkii lagu amaani lahaa ama loo ogaan lahaa

Howshaa weyn ee ay  guteen baa dhaleecayn iyo maxay bad ugaba hadleen lala daba galay sidii ay iyaga ka hor xadkeedu sugnaa ama aysan Kiinya faragelin ku hayn. Sidoo kale waxay mudan tahay dawladda iminka jirta in lagu amaano fartaagashada iyo dacwada ay ka keeneen  biyaha lagu muransan yahay ee Kiinya sheegatay kana shidaal baaris billowday taasoo aysan ka dhiidhiyin dawladdii ka horreysan tii Sheekh Shariif madaxweynaha ka ahaa.

 

Waxa kaliya ee lagu eedi kari lahaa waa in heshiiska MOU-ga ay fiicnayd in si ka fiican sida uu u qoran yahay iminka loo dhigo oo aan lagu darin faqrada lixaad ee qareennada Kiinya u cuksanayaan in uu sheegayo in labada dawladood ka wada hadlayaan muran badeedka u dhexeeya.  Taasoo ah mid aan la jaanqaadayn nuxurka,  cinwaanka  iyo ujeedka is-afgaradka inkastoo ay taa qudheeda ahayn mid Kiinya u qiraysa sheegashadeeda soohdin badeedka, sidoo kalana aysan qasab ka dhigayn in lagu kala baxo wadahadal gacmo daalis ah oo labada dal u dhexeeya oo qura, balse ay aakhirka mar walba noqonayso in sharciyada caalamiga ah lagu kala baxon taasoo wax ku salaynaysa qaabka ay Soomaalia u dhigayso khad badeedka labada dal u dhexeeya.

 

Gabagabadii waa wax caqliga wax garta ceeb ku ah in lagu wareeriyo bulshada been aan jirin xaqiiqda aad uga fog iyo in dad badanina  ay u qaataan in baddii Soomaaliyeed la gatay ama heshiiskii is afgaradka ahaa uu ahaa dokuminti Kiinya bad looga gaday! Sidoo kale waxaan cilmi iyo aqoon ka fog in muranku ka billowday heshiiskaa DKMG ah iyo Kiinya dhexmaray Abril 2009-kii  ee uu horey u sugnaa xad badeedka labada dal u dhexeeya .  Waxa la sugayo oo muranka ka saari kara waa marka la helo heshiis ay labada dal ka gaaraan/gaareen  sida ay diilimaha kala bara badda u dhaxaysa labada dal ay  noqonayso ama ay maxkamadi u kala xukunto sida uu noqonayo khadka u dhexeeya. Dayacaadda ugu weyn ee barrigeena iyo baddeena haysata ama mugdiga galin kartana waxay ka imaanaysaa markii aan ku habsaanay dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, dawladdii dhexena iska burburinay,  isla markaana aan weli si fiican daacad looga ahayn in dalkeenii iyo dadkeenii dib loo mideeyo loona dhiso dawlad xoog badan oo xasiloon oo sugta amniga dalka bad iyo berriba.

 

Waxaa qoray Abdi Omar

samadoon.omar@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*