Al-Shabaab oo Jilib ku soo bandhigay askar ay ka soo afduubteen Kenya

Al-Shabaab oo Jilib ku soo bandhigay askar ay ka soo afduubteen Kenya

Al-Shabaab oo Jilib ku soo bandhigay askar ay ka soo afduubteen Kenya

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe, waxa ay sheegayaan in halkaas lagu soo badhigay askar iyo gaadid dagaal oo Al-Shabaab ay ka soo afduubteen Tuulada Haamey ee u dhow degmada Libooya oo ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Shabaab aad u fara badan ay goobjoog ka ahaayeen goobta lagu soo bandhigay gaadidka iyo askarta Shabaab ka soo afduubatay dalka Kenya.

Si dhab ah looma oga askarta la soo bandhigay iyo gaadidka dagaalka, balse Kenya waxay sheegtay Khamiistii in labo askari ay la’yihiin kuwaasoo loo maleenaayo in ay afduubteen Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay shaley sheegtay in weerarka ay ku qaaday Haameey ay ku dishay lix askari balse Kenya warkaas mid ka duwan ayey sheegtay waxaana ay tiri waxaan dilnay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe waxay ka mid tahay magaalooyinka Shababa ay gacanya ku hayaan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*