Kismaayo: Qaar ka mid iskuuladii waxbarashada ee xirnaa oo dib loo furay

Qaar ka mid Ardayda wax ka barta Iskuulka Rugta ee Kismaayo

Qaar ka mid Ardayda wax ka barta Iskuulka Rugta ee Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa dib loo furay qaar ka mid ah iskuuladii ku yaallay magaalada kuwaasoo dib u dhis iyo dayac-tirba ay ku sameeyay dowladda Jubbaland.

Iskuuladda dib loo furay waxaa ka mid ah Farjano, Ganaane, Khaalid Bin Waliid iyo Iskuulka Rugta.

Munaasabad lagu qabtay Iskuulka Rugta ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud iyo ku xigeenkiisa Axmed Cabdirisaakh Maxamed Handal iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in sannad dugsiyeedka 2016 ilaa 2017-ka dib loo billaabay oo fasixii iskuulada uu dhammmaaday.

Halkan Hoose ka daawo Warbixin arrintaas laga diyaariyey

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*