Tolow Yaa Furay?! Qaybtii 3aad

Waxaan iri maxaad ulajeedaa weedhaas? Waxuuna yiri adaa fahmi doonee aan kuu dhameeyo sheekada, deedna waxuu yiri Subax khamiisaad ayaan ka baxnay magaalada Boosaaso habeen kadibna dalkoo idil ayaan ka dhamaanay, waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan xadka wadankeena ka talaabo sidoo kalena wadankaan u soconay waxuu ahaa itoobiya oo ah dal aynu daris nahay, iguma cusbayn magaceedu oo wax badan ayaan taariikhdeeda kala socday hadase socdaalkaygaan waxuu noqonayaa kii iigu horeeyay ee aan dalkaas ku tago. Qorshahayaga kuma jirin inaan waqti badan joogno amaba ku maqnaano dalkaas balse waxaan isla meel dhignay 20 bari inaan howlahayaga kaga soo dhamaysano, marka loo fiiriyo qarashka aan ugu talo galnay iyo howlaha aan cidlada uga soo tagnay. Show Addis Ababay adna qorshahaagu waa kuu gooni, maxay wiil Bari usocday markuu yimid Galbeed uwareejisay oo hadal yari saa ku aqbalay, maxay inan hooyadeed xanuunsan xanaanadeeda usoo raacday subax ku tiri (Islaantu tolkeed iyo Soomaalay dhex joogtaayee asaagaa haka harin wa kuwaas yurub qabtee) oo saa safarkii qodxaha badnaa ku guda gashay Hooyadeedna wali sugaysaa oo magaalada baadi deeda laga raadiyaa.

Waxaan iri waan gartay?

Waxuu yiri Hadda waa aniga imid magaaladii dhag maqalka un ii ahayd, Ilaahayna SW howshii aan u nimid waa noo fudu deeyay, hadaba siduu qorshuhu ahaa ma laabanaynaa mise waxbaa isa kaaya badalay? ma su,aal baa kanool mar hadaan inantii ku daray qolyo boosaaso usocday kuna iri howlo yar baan soo dhamaynee walaale sii tag waan kaa daba imaane, howl maxay ah? Moojiyee maxay ahayd? aniga qudhaydu garan mayo howshaas aan gabadha uga haray, inaan irise markaan ka harayay waan xasuustaa, mudadii yarayd ee aan magaalada u joogay arinta inanta wax wayn baa ii baxay waana tan keentay malaha inaan ka yara dambeeyo, goobaha bulshadu isugu timaado loogama hadlo ganacsi sidaan aqaanay, loogamana hadlo waxbarasho sidaan ka filayay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata wadankaas, loogamana hadlo wadaniyad sidaan is lahaa way samayn ummad dalkeedii burburay, waxaase maalin taasoo dhan toro rogta la hayaa xog iyo xeelad dhoof, kii xalay dhoofay warkiisii waayaal, kan caawa baxaya iyo kan qorsheenayana waa la ogyahay, sidoo kale kan loo soo diiday dal ku galkii(Visa) meeshaa lagu falanqaynayaa, iyana sheekada tahriibku meesha kama marnayn, waxaase iigu yaab badnaa waxay ahayd qariiradaha dalalka caalamka oo dhan korkay kawada hayaan dhalinta halkaas isugu timid, oo xeeladda wadan kasta lagu galo way kuu sheegin.

Waxaan iri haye?

Waxuu yiri adigu yaanan hadal kugu daalinee bulshadaan soo arkay yar iyo wayn, rag iyo dumar way wada socdeen, oo mid caawa baxaya, mid ku daba xiga iyo mid qorsheenayay ahaayeen, maahan sheekooyin kaygii kuwaaan meesha yaal hase yeeshee waan ku qasbanahay inaan iska dhagaysto waayo ayagaan afgaranayaa oo soomaali ku hadlaya, sidoo kalena waan ka digtoonahay oo waxaan arkay in badanoo ila mida oo toboneeyo sano ka hor kasoo xaajo yeeshay magaaladaan balse aan dib uga soo noqon walina taagan, qaarkood oo aan waraystay waxay iisheegeen in layn dhoof u xaraysanyahay! Yaab shaw waqtiguba uma tirsana!.

Waxaan iri Maxaa ku reebay adiga marka?

Waxuu yiri: bal adba? shaki kuma jiro inay saamayn igu yeesheen sheekooyinkaan mala awaalka ah iyo waliba aadistayda garoonka diyaaradaha oo aan inta badan asxaab dhoofaysa wax ka sagootiyo kuwa imaanayana aan wax kasoo dhaweeyo, maxaa halkaas boorso la jiidayaa, maxaa is daba maraya bulshooyin kala nooca, kala midaba, kala dhaqana, maxaa diyaarado kala jaad ah meeshaas dhooban, waa hubaal qofka ku noq noqda inay saamayn ku yeelanayso, tusaale deegaan kaan ka imid sida waxbarashada looga soo doonto Addis Ababa loogama soo laabto, sanad walba boqolaal arday baa puntland kaliya uga timaada laakiin waxaa kasoo noqda tirada intaa leeg tobaneeyo arday oo qura amaba ka yar, dabcan waa dareemi kartaa sababta. Aniguse kaligay markaan sheekaysto waxaan isku qanciyaa inaan magaalada ujoogo si aan u ogaado fursadaha ganacsi ee magaaladaa yaala, alla maxaan been isu sheegayay! Tolku haduu i ogaan lahaa magaalada dag dag baa la iiga ka xayn lahaa.

Waxaa iri goormaad is garatay in filin kale kuu daaran yahay marka?

Waxuu yiri: malaha maanta ka hor ismaba ogaan, filin kulahaa saaxiibkay, ma filin buu ahaa waxa ii daarnaa? Soo kii ma ahan filinku dhamaan jiray? mise kaygu musalsal buu ahaa tallow? mooji, waxaan saa ku jiraba waxaad dhacday in aan maalin salaadii subax markaan tukaday kadib, hurdadii kuma laabanee waxaan bilaabay inaan is canaanto oo aan is waydiiyo su’aalo aan jawaabo uwaayay, kadib waxaa ii soo baxday in aanan magaalada wax caqli ah ku haynin sidaa darteedna dantu ay ku jirto inaan bacdayda ka qaato degdegna uga baxo intaysan xaajadu gaarin meel aan ka laabasho lahayn. Adduunyoy wajiyo badan maxay hadba waji gooniya kuugu imaan? Anoo wali falanqaynaya xaajadaydii go,aan rasmiyana ka gaarin waxaaba dhacaya teleefonkaygii gacanta, yaab maxuu ahaa qofka xilligaan nagu soo kalahay inta iri waa aniga laacay mise waaba dibadda inaan qabto ahaa..

……………………………………………………………………………..

Dhamaad Qaybtii 3 aad, Lasoco Qaybta xigta………………..

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*