Tahriibku waa musiibo qaran oo wax ka qabasho u baahan

Tahriibku waa musiibo qaran oo wax ka qabasho u baahan

Tahriibku waa musiibo qaran oo wax ka qabasho u baahan

Tahriib waxaa lagu qeexi karaa in qofku ka haajiro deegaankiisii una haajiro deegaan uu isleeyahay waxaad ka heli kartaa nolol ka fiican tii aad ku haystay deegaankaaga. Waxaana looqaybshaa labo qaybood tan horre waa in qofk u haajiro dalka gudihiisa meel ka mid ah tan kalane waa u haajirida dalka dibadiisa. Waxaase ugu waa weyn wax yaalaha qof ku kalifi kara inuu ka haajiro dhulkiisa in ay ka jirto colaad, faquuq diimeed, fakhri, cuduro, masiibooyin dabiiciya tusaale sida Dhul gariir iyo foolakaano.

Soomaaliya oo ah waddan Alle weyne ku manaystay khayraad badan oo dabiiciya, kuna taal goob juquraafi ahaan aad muhiim ah, waxaa sanado badan ka jiray qul qul xoog leh dadka Soomaaliyeed uga haajirayaan dalkooda, wuxuuna tahriibka Soomaaliya soo maray heerar kala duwan oo la jaan qaadayey hadba xaaladdahii kala duwanaa ee dalku marayey. Waxaase xusid mudan in 1991-dii uu yahay sannadkii ugu badnaa oo dad Soomaaliyeed hal mar ay ka haajireen dalkooda xilligaas oo dowladdii dhexe ee dalka burburtay dagaal sokeeye oo lagu hoobtayna uu ka dhacay, wixii ka dambeeyay xilligaas qulqulka Soomaalidu ay uga baxayso dalkooda ma joogsan, waxaana billowday in dadkii Soomaaliyeed qaxooti ku noqdaan dadalka caalamka iyagoo sidoo kale noqday dad laga heli karo waddan kasta oo dunidaan ku yaal. Xilligaan la joogo tahriibku waxa uu soomaalida ku yahay dhibaato, iyoona noqotay wax inta bilaamay aan dhammaan sii socoshadeeduna noqotay tusbax afka laga furay. Dhallinyaradii dalka(Wiilal iyo Gabdhaba) tiro badan oo kamid ah waxay noqdeen wax tahriibay oo dhib badan oo dhimasho, dhaawac jir iyo maskax ahaaneedba la kulmay iyo kuwo ay niyadooda ku jirto in ay tahriibaan dalkooda hooyane aan ku qanacsanayn.

Waxaa xaqiiqaa qofna in aan loo dhaamin dhulkiisa hooyo. Hayeeshee, haddii uu ka haajirayo waxaa jira cawaamil ka dambeeya in uu iskaga tahriibo iyo kuwo ku soo jiidaya meesha uu aadayo, sidaa darteed dhallinyarada Soomaaliyeed ee safarka tahriibka oo ah mid dhib badan lana goynayo saxare aad u kulul iyo bad khatar teeda leh laguna safrayo doonyo yar yar oo bac la buufiyay ah waxaa jira wax yaalo ku sababayo in ay go’aansadaan una babac dhigida safarkaas halista naftooda ku galayso iyadoo dhanka kale u arka meeshay ay u safrayaan in ay uga nolol iyo mustaqbal fiican tahay dalkoodii hooyo ee jaah wareerka siyaasadeed la daalaa dhacaya. Tahriibkuna waa mid ka mid ah miraha laga guranayo qaran jabkii Soomaaliya oo maqnaanshaha dowlad xoog leh oo dalka oo dhan hanata waxaa ka dhashay dhibaatooyin aan baaxadooda la soo koobi karin, dhan walba bulshadana ka saameeyey hadday ahaan lahayd siyaasadda, Dhaqaale, Diinta, iyo arrimaha bulshada.

Dhibaatada dahriibka oo ah mid qoto dheer waxay saamayn lixaad leh ku haysaa dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed oo qoysas badan waxaa dhib aan yarayn ka haystaa sidii ay u bixin lahaayeen lacago fara badan oo ay tahay in ay ka baxshaan xubnaha qoysaskooda ee tahriiba, iyadoona ay dalka gudhihiisa iyo dibadiisaba ay ka samaysmeen shirkado dambiilayaal ah oo dhallinyarada dalka ka qaadaya kolka ay geeyaan Liibiya ama waddamada kale ee laga tahriibiyo dadaka inta la soo hadalsiiya qoysaskooda waydiista lacago madaxfurasho ah oo laga yaabo in aysan awoodin qoysasku, mararka qaarkoodna taasi waxay sababtaa in la xaraasho hantidii qoysku lahaa oo dhan taasi oo dhaawac weyn ku ah dhaqaalaha qoysaska Soomaaliyeed. Dhanka kale dhibaatada tahriibku inta kuma koobna ee waa mid ka baaxad weyn waxay hoos u dhigaysaa xooggii shaqayn lahaa ee Soomaalyeed sidoo kale waxay sababaysaa in uu meesha ka baxo caqliga dhallinyaro badan oo muddo badan lagu soo tiir iyo tacab belayay kuwaas oo laga faa’idi lahaa waxii ay barteen iyo hal abuurkooda. Tahriibtu waxay leedahay xanuun uu dareemi karo qofkii tahriibay iyo qoyskii uu ka tahriibay labaduba, waayo qofka tahriibaya wuxuu la kulmi dhibaatooyin aad u fara badan oo uu mutaysanayo inta uu ku guda jiro safarkaas khatarta badan ee uu is leeyahay noloshaada wax weyn baa iska badali doono kolka uu kuu dhammaado, halka qoysku xamuun weyn ka dareemayo siiba waalidiinta oo aan ilmahooda wax dhib ah la jeclayn haba yaraatee in ay soo gaarto.

Tahriibku waa Musiibo qaran, waa dabar go ummadeed, waa dhaqan dooris bulsho, waa dhibaato saamaynteeda degdeg loo dareemayo sidoo kalane mustaqbalka la dareemi doono, waa arrin u baahan in xal loogu raadiyo qaran ahaan ee uusan xalkeedu u oolin qof ama maamul gaara ayna tahay in dowladda dhexe, dowlad gobeleedyaduba ay ku darsadaan qorshayaashooda koowaad ee ay wax ka qabanayaan si loo badbaadiyo jiilkii berri Soomaaliya kala wareegi lahaa jiilka hadda jooga.

Gababadii in xal laga gaaro sii socoshada tahriibka waa arrin waajib ah waxaase kaalinta ugu weyn ka ciyaari kara joojinteeda dhallinyarada oo ah cidda ugu badan oo tahriibta iyagoo looga baahan yahay in ay ka tanaasulaan ka tahriibida dalkooda, aaminaan in aysan jirin meel u dhaanta dalkooda hooyo sidoo kale in ay aamninaan in ay ka dhigi karaan dalkood mid ka heer sarreeya dalalka ay u tahriibayaan.

Qoraa: Cabdulqaadir Cabdulxakiim Cismaan

Email: abdulkadirone@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*