Eber Cod waa ka mid Musuqmaasuqa Doorashada

Eber Cod waa ka mid Musuqmaasuqa Doorashada

Eber Cod waa ka mid Musuqmaasuqa Doorashada

Musuqmaasuqa siyaasadda Soomaaliya waa mid baahsan wuxuuna ugu daran yahay xilliga doorashada Madaxweyne, ha noqdo Madaxweynaha Qaranka ama kuwa Gobollada qaarkood.

Hadda 2016 oo xilli doorasho noocyo kala duwan ah la gelayo, waxaan jecleystay in aan kula wadaago mid ka mid ah waxyaabaha aan ila habbooneyn ee aan kala kulmay doorashadii Madaxweynaha Federaalka ee aan isu taagay 2012.

Ka dibna waxaan soo jeedin doonaa sida ay ila tahay in lagu sixi karo, si ay dood u furto, go’aanna looga qaato. Ujeeddadeyda kama dambeysta ah waa in la dhimo musuqmaasuqa doorashada.

Shuruudaha Murasha Madaxweynaha ee sannadkii 2012 waxaa ka mid ahayd in uu Murashax kastaa la yimaado ama ay la timaaddo saxiixa 20 Xildhibaan.

Waxaan ka mid ahaa dadkii ra’yigaa curintiisa saameeyaynta ku lahaa markii uu soo baxayna aad u taageersanaa.

Waxaan u arkayay in shuruuddani ay sahleyso in la aqoonsado in qofka isa soo taagayaa uu yahay mid taageero ka haysta tiro Xildhibaanno ah oo billow fiican noqon kara.

Ujeeddada labaad ee aan fikirkaa u qabay waxay ahayd in culeyska la yareeyo oo murashaxiintu ay noqdaan dad kooban.

Ujeeddo saddexaad waxay ahayd in murashaxa ay u fududaato in uu is qiyaaso inta aanuu Baarlamaanka soo hor istaagin. Haddii ay ku adkaato in uu helo saxiixa 20 Xildhibaan oo taageerta murashaxnimadiisa waxaa u cad in ay adag tahay in uu ka soo gudbo wareegga koowaad.

Ugu dambeyntii waxaa macnuhu ahaa in Xildhibaan kastaa uu aad uga fekero qofka uu soo gudbinayo oo ay la tahay in fursad loo siiyo in uu u tartamo Madaxtinnimada dalka. Taas oo keeni karta in uu wakhti la qaato murashaxa oo uu qiimeeyo maalinta codeynta ka hor asaga oo weliba barbardhigaya murashixiinta kale.

Waxaan u arkayay shuruud ay murashixiinta oo dhami u siman yihiin isla markaana howsha sahli lahayd.

Been la isla Oggol yahay

Si macnaha looga dilo, si musuqmaasuq loo jideeyo, si baayactan ay u noqoto doorashada Madaxweynaha Qaranku, waxaa la dejiyay in Xildhibaan kasta loo oggolaado in uu soo gudbin karo saddex murashax.

Macnuhu wuxuu yahay, inkasta oo Xildhibaanku hal cod leeyahay waxaa loo oggolaaday in uu soo gudbin karo magacyada Murashaxa uu dooranyo iyo laba uu uga dhigay in ay u qalmaan Madaxtinnimo laakiin aanuu cod siin doonin.

Si kale haddii aan u dhigo, meeshii murashixiinta lagu kala reebi lahaa kii heli kara codka 20 Xildhibaan iyo kan kale, waxay isu fasaxeen in Xildhibaan kastaa uu saddex murashax soo gudbiyo.

Taas waxaa macnaheedu yahay in qof aan hal cod heli doonin ay 20 Xildhibaan been u soo sheegaan oo ay u soo saxiixaan waraaq si uu u “buuxiyo” shuruudaha.

Murashixiin ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdullaahi Faramaajo, Yusuf-Garaad Cumar, Axmed Ismaaciil Samatar, Cabdiwaaxid Goonjeex, Maxamed Cabdiweli Sh. Yusuf, Cumar Salaad Cilmi, Maxamed Yaasiin, Cusmaan Faalko, Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi dhammaanteen waxaan buuxinnay shuruudda oo waxaan la nimid saxiixa min 20 Xildhibaan oo na soo gudbiyay. Laakiin haddana midkeenna ma helin 20 cod, xataa ma sigin.

Markaa shuruuddaas dhab ahaan ma aynaan buuxin inkasta oo aan haysannay saxiixa 20 Xildhibaan.

Dabcan Xildhibaannada aan saxiixooda haysannay kuma ayan khasbaneyn in ay cod na siiyaan maaddaama uu mid kastaa u saxiixay saddex murashax. Laakiin shuruudda ayaan buuxin kari waayi lahayn, ama midkiiba ugu yaraan waxaa uu heli lahaa 20 cod oo saxiix uun aan ahayn ee ah 20 cod oo run ah.
Natiijadii waxay noqotay in lix murashax oo keliyihii ay si dhab u buuxiyeen shuruudaha.
Dabcan annaga waxaa naga sii darnaa, afar murashax oo midkiiba ay 20 Xildhibaan u soo saxiixeen in ay taageersan yihiin murashaxnimadooda, hase yeeshee midkoodna aanuu hal codna helin. Waa Cabdiraxmaan Maxamed C. Xaashi, Ibraahim Cali Xuseen, Maslax Maxamed Siyaad iyo Maxamed Axmed Saalax.

Hadda iyo Dan

Weli waxaa ila qumman in shuruudda ah in murashax kasta uu la yimaado saxiixa 20 Xildhibaan la soo celiyo sababaha aan soo sheegay awgood.

Laakiin maaddaama aan aragnay in ay suurta gal tahay in 20 Xildhibaan ay Murashax soo ansixiyeen, markii ay codeyn timidna uu murashaxii helay 0 cod, waxay ila tahay in aan cashar ka baranno.

Markaa waa in uu Xildhibaan kastaa lahaado hal saxiix sida uu u leeyahay hal cod.

Marka labaad maaddaama laba aqal la dhisayo oo tirada Xildhibaannada labada aqal oo wada jira ay dooran doonaan Madaxweyne, waxaa ila habboon in kor loo qaado tirada saxiixyada Xildhibaannada labada aqal ee looga baahan yahay Murashaxa. Waxaan ku talin lahaa in laga dhigo 25 saxiix. Waa shuruud adag, laakiin waxa loo tartamayo ayaa ah Xil Muhiim ah.

Haddii ay dhacdo in Xildhibaanka loo oggolaado in uu u saxiixo in ka badan hal murashax, waxay ila tahay in afarta sano ee soo socota tallaabada ay ku billaabaneyso ay tahay musuqmaasuq iyo been heshiis lagu yahay oo la jideeyay.

W/Q: Yuusuf Garaad

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*