Hoggaamiye ceynkee ah baa Soomaaliya samatabixin kara?

Shaki kuma jiro in ay adag tahay in dowladnimo sax ah loo dhiso dalkeenna Soomaaliya ,daruufaha innagu xeeran awgood . Dalka muddo dheer ayuu fowdo ku jiray oo ay dowlad la’aan hagaas ka dhigtay ,dadka xilligan nool badankood waxa ay ku soo barbaareen colaad iyo kala danbeyn la’aan.Dalkii waxaa uu beylah u noqday cadow shisheeye iyo cid aanu u damqaneyn . Iyada oo ay waxaasi oo dhan iyo wax ka sii badanba jiraan hadana waxaa muhiim ah in la helo Madaxweyne daacad ah oo dalkan guul u horseeda,taariikhdana gala . Mar walba waxaan eedeynaa ciddii aay inoo dooraan duul sheeganeysa in ay innaga wakiil innaga yihiin, waxase haboonaan laheyd kuwa wax inoo dooraya aan darafta heysanno oo aan dacmi iyo toosin la daba taagnaano.

Ma kula tahay in aan ka sheekeysano masuulka ku haboon wadanka waqtigan adag halkii marka rucleyn iyo baratan siyaasadeed la gudi galo aan ku jahawareeri laheyn ka inoo wanaagsan.

Ka feker sifooyinkan hoose iyo kuwa kale oo maankaaga ku jira midka ku haboon dalkeenna

Soomaaliya maxaa waxaa u wanaagsan Wadaad mise Wadani?
Ma magac iyo mansab doon mise maal (xoolo) doon ama labadaba isku doon? 
Ma geesi birta calaashada oo dadku ay baqaan?
Ma kaligii taliye ,mise koox u talisay ,ama la tashada guud? 
Ma Qaran daneeye mise qabiil daneeye? 
Ma ruux da’ah oo dowlad yaqaan ah mise aqoonyahan da’yar?
Ma dal joog xaaladda la socda mise dibad (qurbo) joog yaqaan dunida sida ay isu maamusho?

Ujeedadeenu hadda maaha inaan magac hebel xusno laakiin aan marka hore aan isku waafaqano nooca hogaamiye ee aan door bideyno .

Hogaamiye ceynkee ah baa Soomaaliya samatabixin kara? Fekerkaaga ku biiri.

W/Q: Maxamed Ibraahim Macallimuu

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*