Dib udhalashadii Galayrka Dhacdo ku dayasho mudan

Galeyr

Galeyr

Galayrku waa shimbir kamida shimbiraha, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay Shimbirka ugu cimriga dheer marka loo eego noocyada shimbiraha, waayo waxaa la sheegaa inuu noolaan kara mudo dhan ilaa todobaatan sano(70), laakiin suu ugaaro heerkaas waxuu u maraa marxalado adag oo waayahooda leh, dhibaatooyin badan oo ubaahan in lala tacaalo iyo xanuuno aad u daran oo in loo samro looga gudbi karo. Galayrku waxuu leeyahay sifooyin gaar ah oo uu ku tilmaaman yahay, sida noola kasta oo dunida guudkeeda saran Ilaahay SW usiiyay tilmaan u gaar ah oo uu caan ku yahay, waxa uu si fudud udiloodaa marka laga tago xawaanka dhirta daaqa, bahaladda hilibka quuta iyo kuwa halista ah ee fajaasta iyo suntan wax ku dila, waxaana u fududeeya ugaarsigooda cidiyihiisa xooga badan misna waxay qabtaan aysan suurtagal ahayn inay sina uga baxsadaan, afkiisan isna xooga badan ee sida cajiibka usamaysan iyo baalashiisaan sida uu rabo u adeegsan karo, meeshuu damcana durbadiiba usoo hoobanaya, waxaad mararka qaarkood arkaysaa, isagoo hawada dhexe iska damaashaadaya oo sida diyaaradaha miiga oo kale is rogrogaya, mararka qaarkoodna xayawaan uusoo qabsaday ku ciyaaraya, oo hadba intuu hawada sare geeyo soo daynaya misna intuusan dhulka gaarin dhexda ka laacaya, waxaa intaa udheer fogaan aragga Ilaahay Swt kumanaystay ee ili ku wareedhayda uu wax ka arkayo. Hadii dhan kale laga eego shimbiraha kale wax saa,id ah ma dheera aan ka ahayn ku dhiiranaansho iyo kalsooni oranaysaa “Haa waad qaban kartaa, waad dili kartaa, waadna ku ku guulaysan kartaa”.

Hadaba sida noola kastaba uleeyahay mudo uu awood gabo oo ku gaboobo isna Marka uu gaaro da’da 40aad waxaa noloshiisa kusoo biira waji cusub oo gabaw ah, waxuu dareemaa awood yari, waxaana dhamaan xubnihiisa soo gaara shaqo gab, Haduu lahaan jiray cidiyo af badan ugaarsigana ku wanaagsan oo waxuu doono si fudud ugu soo qabsado noloshiisuna ku tiirsanayd hadba waxay u keenaan, hada waa kuwaan gaamuray misna af beelay oo hawshoodii gabay, oo waxay is dhahaan qaadba waan kan kasiibtay, hawl inay soo korodhay markaan ma shakaa ku jira?

Sidoo kale haduu lahaan jiray af dhuuban oo xoog badan oo uu wax ku cuni jiray, ugaarta cidiyuhu soo qabtaanna mirir ku kala gooyn jiray, masaska halista ahna xididka suntaa si fudud uga siibi jiray afkaasina waa ku daayay, oo waa kan afbeelay misna soo laabmay, oo waxuu isagu diloodo iska daayee xataa kuwa loo dilo aan quudan Karin. Waa marxalad kale oo noloshiisa saamayn ku yeelatay halisteedana leh. Hadduu caqabaddii hore si un loo maarayn lahaa bal tanna si dheh, markaan soo kuma qasbana inuu waayaha isku dhiibo oo iska quusto mise wali raja jirtaa haduu mar cadawga ka carari karo?

kawaran baalashaas iyana xaaladooda, majiraa wax isbbadal ah oo ku yimid? Haa waliba mid wayn, muda Afartan sano ah oo ay soo shaqeeyeen kadib baalashiisu maahan maanta sidii hore, fir fircoonidii iyo xaragadii lagu yaqaanay dhamaatay, ciyaartii ay hawada dhexe tobonaanka jeer isu gad gadin jireenna way ku daysay oo hada haduu halmar ka gudbo buu buro sidaa, waxaa ku dhacay gabaw, waxayna ku soo kordhiyeen galayrkii culays mararka qaarkood ku dhaliya inuu boodiddii tahli waayo, mar walba oo uu duulo waxaa maankiisa ku soo dhaca talaw ma tii u dambaysaybaa?! Mana quusan rajaduna waa xuntahay! Haatan waxa kaliya oo u haray waa bootintaa oo iyana dhib badan ka qabsado. Hadaba maxaa kugu soo dhici lahaa hadaad adiga tahay? Ma waqtiga iyo waayaha ayaad isku dhiibi lahayd? Mise waad iska harjadi lahayd intay taadii kaaga imaan oo geeri sug baad noqon lahayd? Mise labadaas midna maadan yeesheenee waad ka dhiidhiiyi lahayd oo waxaad halgan u gali lahayd sidaad aafadaan uga bixi lahayd? Jawaabtiina waan garan karaa oo waxaan la socdaa dalkiina burbursan ku dhawaad 30 ka sano iyo sidaad ka yeesheen Soomaalay! Aan usoo noqono gaalayrkii isagu maxuu sameeyay? Bal si fiican u dhuuxa waa intaas oo uu caqli idinku soo kor dhiyaa oo hurdada dheer ee aad ku jirtaan ka kacdaanee.

Bilawgii Halganka

Waxaa markaan galayrka horyaala laba un midkood inuu sameeyo, inuu is dhiibo oo saa ku dhinto iyo inuu galo halgan adag xanuunkiisana leh suu isbadal usameeyo dibna ugu dhasho markale, halgankaasna waxuu soconayaa mudo dhan 150 maalmood oo xiriir ah.

Hadaba Galayrku waxuu doortaa tan dambe waxuuna gala halgan aad u adag, halgankiisuna waxuu udhacaa sidaan. Ugu horeen waxuu galaa socdaal dheer oo saacado qaata, waxuuna koraa buur dheer fiiqa ugu koreeya oo ah meesha uu ugxanta dhigto deedna meeshaas ayuu fariistaa halkaas ayuuna halgankiisu ka bilaabmaa, sidoo kalena mudada 150 maalmood ah bartaas buu fadhinayaa oo cunto iyo socod wuu ka soomaa illaa uu mar labaad dib ugu soo dhasho. kadib waxuu ku bilaa suu afkiisaan qaloocday xal ugu heli lahaa, dhagax ayuu ku garaacaa illaa uu ka jabiyo, kadibna markuu jabbiyo muddo ayuu sugaa illaa uu mid cusub ugasoo baxayo, markuu usoo baxana waxuu ku garaacaa afkiisaan curdanka ah ee afka badan cidiyihiisii gaamuray illaa iyagana uu jajabiyo iyana muduu sugaa sidoo kale inta ay ugu soo baxayaan cidiyo cusub oo xoog badan, taasna markuu ku guulaysto waxuu cidiyahiisa curdankaa ku rifaa baalashiisii gaboobay ee culayska ugu badan iyagu ku hayay kuna soo jabay laabtiisa.

Shan bilood kadib galayrku dib ayuu usoo dhashaa, waxaana la arkaa isagoo dib u usoo bilaabay duulimaadyadiisii caanka ahaa ee lagu aqoon jiray, markaan waxuu noolaan karaa Soddon sano oo hor leh.

Hadaba bulshoy waxaad ognaataan inaan waxaan loo dhibtoon dheeftooda la helin, waxaan loo halgamina mirahooda la guran, waxaa laga dhiidhiyina dhibtooda abid laga bixin, waxaan sheekadaan usoo qaatay markaan arkay xaalada Dalkaygu ku suganyahay iyo hurdada dheer ee dadkaygu ku jiraan. Kuwa dalka joogo (Qaran Lajoogta) inta badan waa shaqeeyaan waxay ushaqeeyaanse ma yaqaanaan kaliya waxay ogyihiin inay mushaar fiican qaataan, waxaad moodaa inay ugu dhantahay marba haday mushaar fiican qaataan, balse ismaysan waydiin ninkaan mushaarka ku siinaya illaa intee buu ku wadi karaa?. Kuwii dibadda jirana (Qurbo Joogta) ma moodo inay dal leeyihiin oo dad iyo dal kasoo tageen aan cid kale sugayn, waxay wali ku jiraan mala awaal oo waxay ku mashquulsanyihiin mudaba dhaldhalaalka dhul asaagood dhistay oo ay qaxooti ku yihiin, iyagoo is moodsiiyay inuu yahay dal ay leeyihiin. Iyana isma waydiin war dalkaani illaa muddo intee leeg buu ku xamili karaa? Miyaysan wanaagsanayn intaana la I cayrin inaan ubadkayga dhaxal usii sameeyo iyo dhul ay ku noolaadaan.

Hadaba waxaan Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay ka kacaan hurdada baas oo ay indhaha kala qaadaan, Qurbo joogta waxaan leeyaha war ubadka iyo haweenka kasoo taga oo kaalaya dalku halgan wada jir ah buu ubaahanyahee ololahana dibadda kasoo bilaaba, Qaran Lajoogtana waxaan leeyahay ku baraaruga wax dalka ka socda oo wax iska waydiiya waxay yihiin, cad aad eedi doonto lama cunee iska hubiya ciddaa ushaqaynayso waxay tahay iyo waxay dalka ka qabanayso.

Allaw Dalkoo Nabada, Dadkoo isjecel iy Dawlad Caadil ah

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*