AMISOM oo cabaadkooda uu baxayo (Maxaa cusub?)

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in Midowga Yurub uu dhawaan go’aan ku gaacay in uu dhimmo dhaqaalihii uu ku bara-taari jiray howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Haddaba waxaa la lee yahay arrintan saameeyn weyn oo xagga niyadda ay ku keeni doontaa askarta AMISOM oo tiradooda lagu sheegay 22,000 oo askari.

Qoraal Jimcaha maanta ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in 20% lacagta la siin jiray AMISOM la jaray.

Askariga AMISOM ayaa la sheegayaa in uu bishii  qaato mushaar kun dollar ($1,000) waxaa uu dheer daawo iyo lacag kale oo maalintii uu mushaar ahaan u qaato hadduu uu dhintana waxaa la siinayaa ehelkiisa lacag magdhow ah, halka ciidamada Soomaalida xitaa aan helin $100 dollar.

Si kastaba, toddobaadyadii ugu dambeeyay AMISOM waxay la kulmeysay weerarro lixaad leh oo uga immaanaya Al-Shabaab kuwaasoo xitaa kala wareegay saldhigyo ay ku sugnaayeen koonfurta Soomaaliya.

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*