Maxaad ka taqaanaa Valentine Day 14-ka Febrayo?

Waxa jirta maalin ku weyn Bulsha kesta oo dunidan guud-keeda ku nool, waxaan jirta kuwa u gaar ah dalal, dad gaar ah iyo Muslim iyo Christan sida Valentine-day oo 14-ka bisha Febrayo sannad-walba dhambaalo ku aadan la isu diro iyadoo la helayo dad aanay fahamsaneyn halka asal ahaan uu ka yimid magaca maalintan ay wadato iyo ujeedadeeda.

Valentine-day waa maalinta labaad ee la weynayo marka laga soo tago ciida Chrismas-ka oo iyada bilaabato 25-bisha Dec. socotana illaa sannadka cusub ee dhalanayo bilowgiis, waana magaca askari reer Roman ah oo Christan oo la sheego inuu ka dhiidhiyey guurka askarto Romaniyiinta ahayd oo madaxtooda ka xarintay, diidmadaas oo ay madaxda Roman-ku micneeyey in haddii askarta guursadaan haween ay tabar yareynayaan oo tayadooduna baaba’ noqoneyso.

Xuska maalintan 14 Febrayo waxa ay ku koobnaan jirtay Rome qarnigii 14-aad balse waxa ay qaybo kamid Yurub gaartay qarnigii 18-aad sid Ingiriiska iyo Faransiisko, kadib mareykanka, iyo dalalka kale ee diinnta Christan-ka haysto ee dunida guud-keeda ka jira,waxaana jirta turjumad kale loo bixiyey oo laga yaabo in la yiraahdo maalinta jacaeyl adduunka oo wiilasha iyo gabdho soomaaliyeed ay dhankooduna xusaan isun diraan dhambaalo jaceyl oo maalintan ku aadan.

Valentine-waxaa la sheego inuu dhintay kun sanno ka hor, waxan marar qaar shaki la geli in maalintan isaga loo tiiriyo, waxa sidoo kale marar qaar la yiraahdo lama oga ujeedka maalintan balse dadka wax baara waxay sheegeen Valentine in uu ahaa halyey ka dhiidhiyey mamnuuca guurka inkesta oo diinta Christan-ka qabto ninka uu xaq u leeyahay hal naag oo kaliye halka deenteena Suuban ee Islam baneysay guur afar Xaas waa haddii ay mas’uuliyadas uu ninka Muslim-ka ahi qaadi karo.

Valentine- waxaa ka horeeyey nin kale oo la oran jiray Lupercalia oo isna reer Roman ahaa 13- illa 15-bishan dabaal degyo ku aadan arrimahan xagga bulshada u ololeyn jiray balse Valentine-tiisa ay dabooshay tiisa.

Yaanan ku dheeran sheekada e’, waxaan gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed ee ku jira badweyn caashaqa sidaydoo kale kula dardaarmayaa ineysan maalintan weynin balse ay xilli kesta ay weyneeyaan iska illoobaan fahamka aan u maleynayo inuu qaldan ee ay ka haystaan 14-bishan Febrayo, walaal Facebook ha soo saarin kunad fariin ku aadan “Valentine day.

W.Q: Maxamed Cismaan Cabdi “Black Cobra”

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*