MADAXDAN MA I LA ARAGTEEN…? FAALLO

12729143_858023137642028_407684031428930008_n

Akhriste halkan ka akhriso qoraal ka hadlaya sidda ay u dhaqmaan madaxda Soomaalida.

1.Madax aynaan isku dhakhaatiir ahayn.

2.Madax aynaan isku dan ahayn.

3.Madax aynaan isku mabda ahayn.

4.Madax aynaan arki karin.

5.Madax aynaan telifoon kula hadli karin.

6.Madax aan carruurtoodu inna la dugsiyo waxbarasho ahayn.

7.Madax aanay tiro lahayn guryahoodu.

8.Madax guryahooda macraddo ama suuq baabuurta lagu iibiyo la moodo.

9.Madax maalinta ay shacabka u baahdaan ay sahlantahay in ay helaan, halka marka shacabku iyaga u baahan yahayna uu daba ballan-balo muddo dheer.

10.Madax aanay suuro-gal ahayn in ay gaaraan ama u tagaan dadka saboolka ama danyarta ah ee bulshada ka mid ka ah.

11.Madax aan ummadda u shaqayn ee huteellada dhir ka dhex baxday la moodo.

12.Madax qalbiga ka candhowday oo muwaadinniinta qaxoontiga ku ah qurbaha ee ay ahayd in ay ka fikiraan sidii loo soo celin lahaa u baarasho taga ama soo shaxaada.

13.Madax aan waxba ka xishoon.

14. Madax beentooda iyo runtooda beentoodu badan tahay.

15. Madax aan maya aqoon, oo wax kasta haa yiraahda.

16. Madax ammaanta jecel.

17. Madax qabiilka iyo qurunku ku tallaalan yahay.

18. Madax sinnaan la’aan ku caan baxay.

19.Madax musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta ku caan baxey.

20. Madax marka ay xilka hayaan aad u kibra, marka xilka laga qaadana is-dhul dhiga oo miskiin iska dhiga.

Runtii maan jeclayn in aan ku mashquulo siyaasiyiin aan istaahilin in xataa wax laga qoro, hasa yeeshee wali waxa aan arkaa dad badan oo u daacad ah oo mar labaad lagu guurayo ama lagu dan gaarayo anna waxa aan markaa jeclaystay in aan ummadda u sheego nimankaa siyaasiyiinta ah wajigooda qarsoon iyo waxa ay dhab ahaan yahiin.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan

W/Q: Cabdinaasir Axmed Ibraahim

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

2 Comments on MADAXDAN MA I LA ARAGTEEN…? FAALLO

  1. Waarun arintan waase.khalad sawir kaasi mahayaan waxba sheeg in aan nahay dawaco af.ku dufa.leey in aanahay waan.jabnay hadaan.soomaali nahy waxaaqaata deeqda reer gal.beedka ina qur.bajoogta aya qaadata sawirka kala.wareeji

  2. wll arintu waa sida adiga u sheegtay madaxda somaliyed kama fikiran shacabka ay masuuliyiin ka yihiin

Leave a comment

Your email address will not be published.

*