Maqaal: Hasha labada geed jecel!

Tuulada Ceelcade waxay dhacdaa Jubbaland, gobolka Gedo,waxayna  qiyaastii 50 kiloo mitir dhanka koonfurgalbeed ka xigtaa degmada Garbahaarey. Dhanka  xuduuda Kenya waxay u jiraa qiyaartii 70 kiiloo mitir.

Sidaan la wada soconno, tuuladaas waxaa 15 kii bishan  ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada nabad ilaalinta AMISOM  iyo kuwa Alshabaab, ka dib markii ciidamada Alshabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ku lahaayeen tuuladaas, weerarkaasoo waxyeelo ba’an loogu geystay ciidamada AMISOM.

Hadaba tan iyo inti uu dhacay weerarkaas, waxaa baraha lagu bulsheeyo iyo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida laga dareemayay nooc dabaal deg aad mooday, sida in iyaga guul u soo hoyatay, waxayna aad ugu faraxsanaayeen khasaaraha loo geystay ciidamada AMISOM.

Waxuu jawigaas mar keliya isbedelay, ka dib markii isla ciidamadii loo dabaal degayay guushi ay ka soo hoyeen dagaalki Ceelcade  weerar la beegsadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, dad badanna ku laayeen.

Waxaa halkaas ka cad in qaar badan oo ka mid ah Soomaalida aanay kala garaneynin waxa ay rabaan iyo waxa aysan rabin, waxa ay ku farxayaan iyo waxa ay ka naxayaan, waxa ay danta ugu jirto iyo waxa dantooda ka hor imanaya intaba.

Hasha labada geed jecel, soomaalida dhan ha isu buusto.

Bishar Haji

b.haji114@hotmail.com

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

5 Comments on Maqaal: Hasha labada geed jecel!

  1. Kajooga mareexanow mafiicna beeni ama al,shabaab,ama jubalaand,kaladoorta beeni,wayhadha,walee

  2. Maxan,kabaryayna,mareexaan malaha faaiido hana,kasugin,wanaag

  3. WAXAY KU FIICNAANLAHAYD INAAD KALIGAA SHEEKAYSATID
    MARKAAN FIIRIYAY CAQLIGAAGA

  4. Ruux wax fahmi karaa lala sheekaystaa.caqli xumada kugu jirtaa waa waxaad la kala garan ladahay wixii kuu dana.Cid la baryayo ma jirto.maadaama ilka yar danteeda garan la dahay.

Leave a comment

Your email address will not be published.

*