Kooxda Koban oo ku guuleysatay tartanka heerka koowaad

Kooxda Koban oo ku guuleysatay Koobka Tkubadda cagta ee Kismaayo

Kooxda Koban oo ku guuleysatay Koobka kubadda cagta ee Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda Hoose waxaa lagu so gabagabeeyay tartanka kubadda cagta ee kooxaha ka dhisan magaaladaas kaasoo halkaas ka socday muddooyinkan.

Tartankan oo ay ka qeybgaleen ilaa 24 koox ayaa cayaartii ugu dambeesay waxaa isaga hor yimid kooxaha Koban iyo Kasiima waxaana guusha qaaday oo koobka la hoyatay kooxda Koban.

Kooxdan Koban ayaa ka mid ahayd seddax koox oo ka soo gudbay heerka labaad ee horyaalka, dedaal ballaaran ayeena ugashay in ay ku guuleesato kooban oo ka dhexeeyay ilaa 8 koox oo ah heerka Seria A-da.

Si kastaba, tartankan ayaa soo billowday bishii 11-aad ee sannadkii horre sidda uu sheegay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee gobalka Jubabdda Cabdullaahi Ducaale Biik.

Tartanka ayaa ahaa mid seddax heer ah, oo kala ah A,B,C.

Tartankan intii uu socday waxaa ka soo qeybgalay dad aad u fara badan kuwaasoo jecel kubadda cagta, sidda uu sheegay guddoomiyaha xiriirka

Dhinaca kale, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee magaalada Kismaayo Saciid Axmed Xuseen ayaa sheegay in dhawaan ay billaabi doonaan tartanka xaafadaha ee magaalada Kismaayo isla markaana dhawaan ay immaan doonto Kismaayo koox ka socota magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal taasoo lagu magacaabo Kumsum.

Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*