Sahankii Damaaci oo ku soo dhamaaday Puntland

Soomaalidu waa dad isku diin ah,isku dad ah,isku af ah.soomaalidu waxay leedahay dhaqan soo jireen ah oo marka loo eego dhaqamada ka jira dadyawga caalamka noqonaya kuwooda uu gu qiimo badan.hayeeshee dhaqankii soomaaliyeed waxaa dhexda ugalay oo wiiqay shisheeyaha cadaanka ah ee ku soo duulay gayigii soomaaliyeed.Gumaystuhu waxa uu u qaybiyay gayigii soomaaliyeed 5 qaybood isagoo u jeedadiisu ahayd in uu qaybiyo dabadeedna uu xukumo iyo in wada jirkooda iyo xoogooda daciifiyo si aysan uuga muuqan afrika iyo caalamkaba oo aysan u noqon soomaaliweyn dawlad xoogleh oo laga haybaysto caalamka siyaaso wayna ku yeelata talada dawladaha waawayn.
Gumaysigu marlabaad waxa uu burburiyay dawladii soomaaliyeed ee ku midaysnayd jamhuuriyada dimiquraadiga ee soomaaliya caasimadeeduna ahayd Mogdisho.caado waxaa u ah gumaysiga in uu isticmaalo dadka ka fikira calooshooda iyo lacag uun oo ku badasha diinkooda,dalkooda,dadnimadooda. wuuna kala yaqaan dadka.
                    Puntland
Puntland markii dagaaladii sokeeye dhaceen,waxay dagaan keeda kasamaysatay maamul iyo kala danbayn,waxayna ka shaqaysay oo ay mudo dheer baadi goobayaan sidii soomaaliya ay uga bixi lahayd dhibaatada dawlad la aanta iyo aafada iyo dhibka nidaam darada iyo fawdada.Puntland waxay sida dhaqanka soo jireenka u ah ayadoo raacaysa nabad galisay dariskeeda dhanwalba ka jira,waxayna horseed katahay nabad marwalba. Puntland waligeed kuma duulin taako,tuulo,dagmo,iyo gobol ay leeyihiin beelaha soomaaliyeed ee walaalaha ah,taariikhda laguma hayo waligeedna maba dhicin suura galna kama aha oo aqlgaan sina u ogolayn iyo diinta iyo iimaanka.
Puntland kalin wayn bay ku lahayd xoriyadii iyo qaranimadii soomaaliyeed.hadana in dalkeena dhibka kabaxo waxay ku leedahay kaalin wayn burburkii wixii kadanbeeyay.Puntland waxay u aragtaa in xalku yahay hadii soomaali dagaashay,oo aynu iska burburinay dawladnimadeenii in aan is aamino oo xal gaarnana ay adkaatay bal in aan isugu nimaad nidaam fadaraal ah oo ah in deegaanada ay israacaan oo samaystaan dawlad goboleed fadaraalka kamid noqota intii israaci kartaaba oo is rabtaa.waxaana soomaali samaysatay dastuur ay isku raacsantahay oo dawlada fadaraalka ahi ku shaqayso oo u yaal kaasoo dhigaya in laba gobol iyo wixii kabadan ay dhisan karaan dawlad goboleed wxii kayar maya.
Puntland waxay xaqdhawraysaa oo tix galinaysaa wixii sharci ah ee dastuur ah ee dalku leeyahay sida caalamkuba ugu dhaqmo sharci iyo nidaam.dalwalbaa oo dhisan tastuur buuleeyahay oo ah sharci u dagsan oo dalkaasi ku dhaqmo lana tix galiyo.Puntland horana uma doonin hadana ma doonayso dhul aysan lahayn wayna taqaan dhulkeeda.
      Seerada dhuleed ee beelaha soomaaliyeed
Soomaalidu dad hada uun dhashay maha,beelaha soomaaliyeed waxay leeyihiin ood wadaag,silsilad darisnimo oo isku xiran oo reerba reer daris layahay.waxay leeyihiin dhul daaqsin,ceelal iyo deegaan xuduudaysan oo soo jireen ah beelina aanay ku haysan beesha kale maadaama lays yaqaan ka ab ka awoow.beelaha soomaaliyeed si cad bay u yaqaan sida ay ukala dagan yihiin mana aha mid ahada la baranayo.soomaalidu waxay leeyihiin is xurmayn iyo isqadarin xuquuq dhuleed oo layska duud siyana kamid maha waxa soomaalida lagu yaqaan waligeedba,ayagoo fahan san in diinteenu inoo sheegtay ninkii dhul haltaako ah kudurka dhul walaalkii jano carafteed urin maayo waana ehelka naareed.soomaalidu waa dad diinleh tanay ogyihiin.
         Sahankii dhuldoon ee damaaci
Hobyo ilaa Mogdisho beelaha dagan ee soomaaliyeed markay burburtay dawladii soomaaliyeed1991dii,waxaa galay damaacinimo ah dhulkaa idinku yaree dhuldoonta,dhulkiinu barwaaqo malaha ee mid ka barwaaqo badan doonta,dhul xoog ku hela intaysan dhalan dawlad soomaaliyeed oo rasmi ah!! waxay iloobeen oo arki waayeen diintii islaamka,karaamadii iyo is qadarintii beelaha soomaaliyeed ileen wax waa laga bixiye,waxay kasariigan waayeen,xurmo tirka beelihii soomaaliyeed,dhaqan bi isnimada,karaamo beelka,sharaf dhaca intan oo soomaalida aan u ahayn dhaqan iyo diin midna. tani waxay sababtay in dhuldoonkii horaba lagu duulay dhulka digil iyo mirif si xaqdaro iyo xumo daro ah waxay kasameeyeen ka sheekayn mayno,waxay qaateen,wixii beer iyo xoolo nool ahaa iyo guryaba.waxay usii gudbeen iyagoo u arkaya in wali intani ku yartahay dhulka jubaland sidii si lamid ah ayay ku sameeyeen dad iyo duunyaba iyagoon u xeer dhigan cidna kamana sheekaynayno.waxaan maqli jiray niman bad maaxyo ah oo dhulmareeno ah sida kolonbos iyo fasgadagaama ayaa helay qaarada america hade mataasaa khalad loo fahmay waa sidee soomaaliya gudaheeda dhulka laga raadinayaa? oo beel soomaaliyeed baadi goobayso?
beelwalba oo soomaaliyeed waa garanaynaa kuligeen deegaanka ay leedahay iyo xadkeeda.damaaci sidii uu wax u maleeyay noqon wayday oo jubaland dhulkeedii kasoo caydhisay iyagoo leh walaal ku noqono gurigaagii waa taqaane!! sidaa si lamid ah koonfurgalbeed illaahay mahadii oo yeelatay dawlad iyo maamul kasoo saartay dhulkeedii oo ku yiraahe walaale orod ku noqo dhulkaagii waa taqaane. waloow wali hada uu si dhuumaalaysi ah kusii joogo shabeelada hoose isagoo mar dhaw duruufuhu kasoo saari doonaan.
Damaaci wali dhul waa u kordhi layahay oo sahankiisii sidii u dhulku heli lahaa oo beelaha soomaaliyeed u boobilahaa kama bixin laabtiisa,waxaa layiri “Daqsi duul duulbadan aflibaax buu ku dhacaa” hada wuxuu ku soo gaba gabeeyay sahankiisii ninkii hobyo daganaa dhulka puntland anaa leh oo kol hadiiba layiri laba gobol way israaci karaan maxaa hobyo idhigay iyo cadaado waa inaan iraahdaa anaa leh mudug iyo galguduud si halkaa aan u helo dhulka puntland. waxaa carabtu tiraahdaa “Damac kathiir yamuud fi shaaric” ninka daaciga ahi oo damaca badani wado laami ah dhexdeed buu ku dhintaa” oo u jeedadu tahay isagoo fakaraya oo isleh xageed dhacdaa iloobayna in laami goynayo oo dhabanada haystay ayaa baabuur kadulboodaa!!
Waxaa intaan u dheer gumaysiga oo ka ilhelay oo si ba`an u adeegsanaya uguna shaqaynaya si aan soomaaliya u helin nabad iyo dawladnimo, damaaci hadii meelkasta laga soo yureeyay hada waxa uu dul fadhiyaa puntland oo waad aragteen damaaci isagoo og in uusan lahayn dhulka puntland isagoo og sida ay soomaali uwada ogtahay siday uwada dagto,ayaad arkaysaa gaal ingiriis ah oo ay mogdisho kula shireen beesha hiraab oo leh dhulka puntland ku darsada oo kadib noqda mudug iyo galguduud halkaa ka hela dawlad goboleed iyagoo meeshaba kasaaraya darisnimadii,diintii,soomaalinimadii,xurmadii iyo isqadarintii oo gaalkaa u riyaaqaya mana oga raga ay dhulkooda doonayaan in ay yihiin ragii ingiriis iyo talyaaniba kasaaray soomaaliya.
                                   Gabagabadii
Deegaan dhan warkii iska daaye ma dhacayso mana dhici karto in cid ay sheegato taako kamid ah deegaanka puntland.puntland marna ma aqbalayso deegaankeeda warkiiba daaye in beel soomaaliyeed ay beelkale oo soomaaliyeed deegaankeed ku qabsato waan na qaan beelkasta oo soomaaliyeed barta ay dagto oo ay leedahay,soomaaliduna way iswada taqaan hada maynaan dhalan,dhul cusub oo la halayna hada majiro ninkii indha cadeeyaana ciduu u indha cadayn hade isagaa og kolay soomaali maha cidaasi. waxaan qabaa waqti haynaga dhuminina,karaamada iyo darisnimada iyo sharafka soomaaliyeedna yaan wax loo dhimin,in aan dawlad noqono oo dalkeena aan wada ilaashana ayaa laynaga rabaa,maha waxaan soconayn dhici karayn in aan waqti kale kusii dhumino.
waa isnaqaan shisheeyuhuna waa ina yaqaan ee iska horkeenka soomaalida danuu kaleeyahay taa in lafhmo waa danta soomaaliyeed.damaacigu waa ninka wixiisa kuudiida oo kaala bakhayla,hadana aan kuu daynin waxaaga ee jecl in uu kaa qaato haduu helikaro waxaad haysato, haduu kaa qaatana aan qancin ee raba in uu nafta kaaqaado kaasi waa damaaci.runta haloo soonoqdo ninwalbaa gurigiisa waayaqaane haku ekaado,ayadoon cid cid waxka haysataa jirin aan dawlad dhexe wada dhisano oo aayar wada noolaano dalkeena shisheeyaha kawada difaacano wakaa taladii puntland iyo go aankeeduba.puntland dadkeedu way dagan yihiin baydhabo,way daganyihiin,balad Wayne,marka,jawhar,mogdisho iyo magaalo kasta inta badan oo soomaaliyeed taasi macnaheedu maha umana fasarinayno waa dagaan puntland!! waxaan si sharafleh ula noolahay beelaha soomaaliyeed ee leh dagaankaas iyagoo na og iyo anagoo og.xaqa iyo baadilkuna meel mawada joogi karaan oo baadilkaa baxaya kolka xaqu yimaad.soomaali hays qadariso ayaan leenahay khiyaalka iyo dhalnteedkana hakabaxdo dadku waa wada ehel yaan lakala fogayn.
Yuusuf Omar
Nagala soo xidhiidh jubalandmedia@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published.

*